Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhoobley oo dadweynihii ka baxay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Barakacayaal Soomaali ah

Wararka ka imanaya deegaanka Dhoobleey waxay sheegayaan in dadkii halkaasi ku noolaa intooda badan ay u qaxeen deegaannada ku dhow dhow Magaalada Dhoobleey oo iyadu hadda noqotay goob dagaal. Xaaladda dadka magaalada ka qaxay ayaa laga dayrinayaa iyadoo la sheegayo inay haystaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin harraad iyo abaarta taagan iyo magaalada oo dhinac ka gubatay, sida uu BBC-da u sheegay Xayi Barkhadle oo ka mid ah odayaasha deegaankaas ka barakacay. Waxaana uu Yonis Ali Nur uga warramay dhibaatooyinka halkaas ka jira.