Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda kumeelgaarka oo waqtiga kordhisatay

Image caption Dowladda kumeelgaarka oo sanad ku darsatay

Golaha dowladda ku-meel-gaarka ee Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay shir aan caadi ahayn waxay go'aamiyeen inay sanad kordhistaan iyaga iyo baarlamaankuba.

Shirkaasi oo uu guddoominayay ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa sida la sheegay lagaga hadlayay xaaladaha kala guurka ee dalka Soomaaliya uu ku jiro haatan, waxaana sida muuqata uu go'aankani ka hor imanayaa go'aankii ay xubnaha baarlamaanku hore u gaareen ee muddada saddexda sano ah ay ku kordhisteen waqtiga jiritaankkoda.

Wasiirka arrimaha dastuurka iyo federaalka ee dowladda kumeelgaarka, Maxamed Maxamuud Boono, ayaa weriyaha BBCda ee Muqdisho, Maxamed Ibrahim Mucallimu, uga warramay go'aannada golaha wasiirradu gaareen. Dhegayso waraysiga.