Dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho

dagaal
Image caption Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo dagaal ku jira

Ugu yaraan Lix qof oo dhinacayada dagaallamayay ah ayaa ku dhintay, 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo culus oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo al-Shabaab ayaa waxa ay ka dhaceen degmada Boondheere xaafado ka tirsan.

Sida wararku sheegayaan ciidanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay fadhiyeen Shabaab.

Xaafadaha lagu dagaallamayo oo ah meelo laga qaxay ayaa waxa yar khasaaraha uu dagaalku u geysanayo dadka rayidka ah.

Labada dhinac ayaa mid walba waxa uu sheeganayaa guul uu ka gaaray dagaalka.