Qaxooti Soomaali oo yimid Lampedusa

Kumanyaal qaxoooti oo imanaya Italy Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kumanyaal qaxoooti ayaa imanaya maalin walba Jasiirada Lampadusa iyagoo ka soo galaya waqoooyiga Afrika

Kun qaxooti oo kale ayaa yimid Jasiiradda Lampedusa iyagoo sheegaya inay ka soo carareen dagaalada Libya.

Qaxootiga badankood waxay ka imaadeen Somaliya iyo Eritaria waxayna soo mareen Libya ama Tunisia.

Masuuliyiiinta Lampedusa ayaa sheegay inaysan xamili karin qaxoootiga tirada badan ee imaanaya Jasiiirada.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay inay dirayso maraakiib soo qaada qaxootiga oo gaysa xeroooyin ku yaala magaalooyinka waawayn.

Ilaa labaatan iyo shan kun oo qaxooti ayaa imaaday Lampadusa tan iyo intiii ay bilaabmeen kacdoonka Waqooyiga Afrika