Ma la hubayn karaa mucaaradka Libya

Mucaaradka Libya Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Mucaaradka Libya

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuusan meesha ka saarayn inuu hubeeyo mucaaradka la dagaalamaya ciidamada Colonel Qadafi.

Wuxuu sheegay inuu eegayo fursadaha jira oo dhan. Xoghayaha arrimaha dibadda Hilary Clinton ayaa ku talisay in goaanka Qaramada Midoobay ee ansaxiyay faragalinta milatari uu ogolaanayo in la hubeeyo mucaaradka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain William Hugue ayaa sheegay in go'aanka Qaramada Midoobay uu ogolaan doono in siiyo hub ay mucaaradka isku isdifaacaan xaaladaha qaar.