Wasiir Libya oo soo galay London

Wasiiirka Arrimaha Dibadda ee Libya Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Libya

Wasiirka arrimaha dibada ee Libya Moussa Koussa ayaa dowladda Britain ay suaalo waydiinaysaa kadib markii uu si lama filaan ah uu salay u soo galay dalkan Britain.

Moussa Koussa wuxuu ka soo galay dalka Tunisia isagoo ku yimid diyaarad qaas ah.

Xoghayaha arrimaha dibada ee Britain William Hugue ayaa sheegay in imaashada Britain ee wasiiirka ay ku tusayso in Colonel Qadafi dowladiisa ay kala qaybsan tahay oo ay burburayso.

Wailliam Hague ayaa sheegay in Moussa Koussa la dacawyn karo.

Dowladda Libya ayaa sheegtay in Moussa Koussa uu aaday safar shaqo, laakiin wasiirka ayaa sheegay inuuusan wakiil ka ahayn dowladda Colonel Qadafi.