Dowladda iyo AMISOM oo ka hadlay Bakaaraha

Bakaara Market
Image caption Dagaalyahanno Al Shabaab oo suuqa ilaalinaya

Dowladda ku-meel-gaarka iyo ciidanka Midowga Afrika ee Muqdisho jooga ayaa waxay ku heshiiyeen in la furo waddooyinka suuqa Bakaaraha oo xirnaa laga soo bilaabo bishii Febraayo. Qoraal ku saabsan dib u furista wadooyinka gala suuqa ugu weyn, uguna mashquulsan magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo saaray dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.

Qoraalkaan waxaa soo akhriyey weriyaha BBCda ee Muqdisho, Maxmed Mxamuud Dhoore. Dhegayso warbixintiisa.