Xaaladda Nolosha xeryaha Dhadhaab oo laga dayriyay

Saraakiil ka socota QM ayaa ka dayriyay xaaladda nolosha ee sadexda xero qaxooti ee ku yaalla Dhabaab waqoyiga/bari ee dalka Kenya.

Madaxda sadex hay'adood oo ka socda QM ayaa sheegay in ay walwal qoto dheer ka qabaan xaaladda nolosha in ka badan 314 kun oo qaxooti Soomaali ah, oo ay ku soo arkeen mar ay booqdeen sadexda xero.

Qaxooti dheeraad ah ayaa maalin walba gaar halkaas oo ka soo cararaya dagaalka Soomaaliya ee aan dhamaanayn.

Antonio Guterres, madaxa UNHCR ayaa sheegay in qaxootiga Soomaaliya ay noqdeen dad adduunka ku faafay. Intooda badan ayuu sheegay in ay joogaan Kenya, Djibouti, Yemen iyo Ethiopia balse Soomaali ay sidoo kale qaxootinimou gashay shanta qaaradood ee adduunka.

Maadaama uusan dagaalku u muuqan mid dhamaanaya ayuu ugu baaqay dhamaan dalalka adduunka in xadkooda u furaan una ogolaadaan in ay sharaf ku noolaadaan.

Wuxuu ugu baaqay dowlada Kenya in ay ogolaato dhamaystirka goobo deegaan ah oo qaxooti dheeraad ah la geeyay gudaha Dhadhaab, oo loo bixiyo Ifo II.