Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xil ka qaadis guddoomiyaha maxkamadda sare

Image caption khariidadda Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, waxaa uu dhowaan xilkii ka qaaday guddoomiyhii maxkamadda sare, Xuseen Cabdi Cilmi, oo jagadaas madaxweynuhu u magacaabay kahor labo bilood oo keliya. hase ahaatee guddoomiyuhu waxaa uu haatan sheegay inuusan u hoggaansamayn xilka qaadista oo xafiiska uu sii hayn doono.

waxaana uu sidaas ku sheegay waraysi uu BBC-da siiyay.