Madaxweyne Gbagbo oo go'doon ku jira

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dhismaha Laurent Gbagbo waxa ku socda rasaas

Ciidamo ka soo horjeeda Madaxweynaha hareereysan ee waddanka Ivory Coast Laurent Gbagbo, ayaa weeraray dhismaha uu degan yahay kadib markii ay burbureen wada hadal ku saabsanaa inuu is dhiibo.

Rasaas culus ayaa laga maqlayaa dhismaha madaxtooyada ee magaalada Abidjan.

Mar sii horeysay Faransiiska ayaa sheegay in hogaamiyaha Ivory Coast, Laurent Gbagbo -- oo weli ku hareereysan xaruuntiisa madaxtooyada in Qaramada Midoobay uu kala xaajoonayo sidii uu isku dhiibi lahaa, taasi oo la filayay inay dhacdo saacado gudaheed.

Mr Gbagbo waxaa ku hareereysan ciidamo taageersan ninka caalamku u aqoonsan yahay inuu ku guuleeystay doorashadii dhacday bishii November ee sanadkii hore Alassane Ouattara.

Mr Gbagbo mar sii horeysay waxa uu cambaareeyay garaacida dhinaca cirka ee militeriga Faransiisku ay u geysteen ciidamadiisa.