Ocampo: Waxaan heynaa caddeyn

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Luis Moreno Ocampo, Dacwad oogaha maxkmadda dambiyada dagaalka

Dacwad oogaha maxkmadda caalamiga ee dambiyada, Luis Moreno Ocampo, ayaa sheegay in uu hayo caddeyn muujineysa in dowladda Libya ay sii qorsheysay inay weerarto dadka rayidka ah si ay awoodda u sii heysato.

Mr Ocampo waxa uu sheegay in masuuliyiinta Libya ay doonayeen in aysan dhicin wixii ka dhacay waddanka deriska la ah ee Tunisia oo kale, halkaasi oo dibadbaxyo jidadka ka dhacay ay sababeen dhicistii dowladda.

General Libyan ah oo hadda caawinaya mucaaradka ayaa, Abdelfatah Yunis, ayaa dhinaca kale waxa uu ka cawday qaabka ay NATO uga jawaabto codsiyadooda ah inay dukheyn hawada ah sameeyaan.

General Yunis waxa uu si gaar ah uga hadlayay magaalada hareereysan ee Misrata, oo uu sheegay in aanay sii jiri doonin toddobaad haddii NATO aanay wax ka qaban.