Madaxweyne Geelle ayaa mar 3aad la doortay

Djibouti president
Image caption Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Guddiga doorashada ee dalka Djibouti waxay xaqiijiyeen in dib loo doortay madaxweynaha haatan dalkaas xukuma ee Ismaaciil Cumar Gelle oo aqlabiyad aad u ballaaran ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee shalay dalkaas ka dhacday, taasoo gaaraysa 80% tirada codadka, halka ninka keliya ee la tartamayay oo ah Maxamed Warsame Raage uu ka helay qiyaastii 19% codadka.

Kooxaha xuquuqda aadanaha waxay ku eedeeyeen dowladda madaxweyne Geelle inay xoog ku muquunisay siyaasiyiinta mucaaradka iyo dibadbaxyo dhacay toddobaadyo kahor doorashada.

Djibouti waa dalka keliya ee qaaradda Afrika ee Maraykanku uu saldhig milateri ku leeyahay.