Jawaabta dowladda KMG ah

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Afhayeenka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Abdullahi Yariisow

Shir aan caadi ahayn oo maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa looga hadlay shirkii ka dhacay Nairobi ee Qaramada Midoobay ay qaban qaabisay.

Qoraal ay soo saareen shirkaasi kadib ayaa lagu sheegay in ay dib-u-eegid ku sameeyeen kulankii wadatashiga oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid aan wax miro dhal ah noqon, oo buuxina waxii laga filayey, mana aheyn mid matala danaha shacabka soomaaliyeed.

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya waxa ay sheegtay inay golaha wasiiradu isku raaceen arrimaha soo socda:

  1. In Dowladda FKMG ah ay diyaar u tahay in wadatashi, isla xisaabtan iyo dib-uheshiisiin dhab ah ay dhex marto dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, ha noqdaan Maamuladda Gobolada, Ahlu Sunna WalJameeca, ururada bulshada, madaxda dhaqanka iyo kuwa diinta iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda.
  2. Guddiga siyaasadda ee heer wasiir ah inay ka soo talo bixiyaan habka ugu habboon ee shir Somalida isagu timaado waddanka gudihiisa isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan Golaha Wasiiradda.
  3. In shir wadatashi iyo dib-u-heshiisiin heer sare ah lagu qabto dalka gudihiisa bisha June 11keeda ilaa 16-ka, shirkan oo ah mid ay Dowladda FKMG ah horseed ka tahay iyadoo la tashaneysa isla markaana kaashaneysa beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey.
  4. In agendaha, macluumaadka iyo qorshaha shirkan uu noqdo mid dhammaan ka qeybgalayaasha lagala tashto si uu u noqdo mid ay dhammaan ka qebygalayaasha isku raaceen. Golahu waxuu isku raacay in dhammaan qeybaha bulshada la gaaro oo lagala tashto ajendaha iyo waxa la filayo inay ka soo baxaan shirka. Shirkan ayaa noqon doona mid wadatashi siyaasadeed isla markaana looga hadlayo habka loo wajahayo mustaqbalka shacabka soomaaliyeed.