Shirkii wada tashiga oo furmay

Image caption Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga ayaa shirka soo qaban qaabiyay

Shirkii wadatashiga arrimaha Somalia oo ay soo qabanqaabisey qaramada midoobey ayaa maanta ka furmey magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkaasi oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubno ka socdey baarlamanka Somalia, maamulada Puntland, Galmudug, Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo wakiilada beesha caalamka. Weriyaha BBC Daud Aweis oo goobta shirka tegey ayaa warbixintan magaalada Nairobi ka soo direy.

Shirkan ayaa subaxnimadii maanta waxaa si rasmi ah u furey Ergeyga gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Somalia, Danjire Augustine Philip Mahiga.

Mr Mahiga ayaa ii sheegey in furitaanka shirka uu ka waramey dadaalada socda ee ku aadan xal u helidda mushkiladda siyaasadeed ee ka aloosan Somalia iyo in shirkan uu yahay mid wadatashi ah oo wax la isku tusaaleynayo.

Waxaa Shirka ka soo qeybgaley oo fadhiyey Guddoomiyaha baarlamanka Somalia, Shariif Xasan Sheikh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Abdurahman Mohamed Farole, Madaxweynah maamulka Galumudug, Mohamed Ahmed Alim iyo xubno ka socdey ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo uu horkacayey Sheukh Omar SHeikh Abdulkhadir.

Waxaa shirka ka baaqsadey maamulka DKMG ee Somalia ee Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Raisul Wasaare Maxamed Abdullahi Mohamed.

Danjire Mahiga ayaa sheegey in weli Madaxweyne Shariif iyo dowladdiisa ay u furan tahay ka qeybgalka shirka.

Qaramada Midoobey ayaa dhanka maamulka KMG ee Somalia shirka ku casuuntey Madaxweynaha, Golah Wasiirada iyo baarlamanka.