Mubaarak oo la soo xiray

Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak

Dacwad oogaha dowlada Masar ayaa amray in madaxwaynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak in la soo xiro shan iyo toban maalmood, inta lagu samaynayo baaritaano eedeymo musuq maasuq inta uu xukunka hayay.

Mubaarak oo xukunka laga riday laba bilood ka hor ayaa hadda wuxuu ku jiraa isbitaal kadib markii uu jiraday isagoo su'aalo la waydiinayo.

Labadiisa wiil ayaa iyagana la soo xiray.

Waa wax aan horay uga dhicin dal carbeed in la soo xiro madaxweyne hore.