Natiijada shirka Nairobi

Image caption Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga ayaa shirka soo qaban qaabiyay

Shirkii wadatashiga arrimaha Somalia oo ay soo qabanqaabisey qaramada midoobey ayaa galabtab lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaasi oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubno ka socdey baarlamanka Somalia, maamulada Puntland, Galmudug, Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo wakiilada beesha caalamka.

Dhinacyada Soomaalida ee shirka ka soo qeybgalay ayaa waxa ay isku af garteen in baarlamaanka Soomaaliya loo kordhiyo laba sano, iyo in la qabto doorasho Madaxweyne, Guddoomiye baarlamaan iyo ku xigeenadiisa ka hor bisha August ee sanadkan oo ay ku egtahay xilliga dowladda.

Waxaa shirka ka baaqsadey maamulka DKMG ee Somalia ee Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Raisul Wasaare Maxamed Abdullahi Mohamed.

Danjire Mahiga ayaa sheegay in shirku ahaa wada tashi arrimaha Soomaaliya oo ay ku casuumeen Madaxweynaha, Golah Wasiirada iyo baarlamanka.