Al Shabaab oo ku rogaal celisay Gedo

Dagaalyahanno AlShabaab
Image caption Dagaalyahanno Al Shabaab

Wararka ka imanaya gobolka Gedo aya sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya ciidammada dowladda kumeelgaarka ah iyo kuwa xarakada Alshabaab uu ka dhacay duleedka degmada Garbahaarreey ee xarunta gobolka Gedo.

Dhowr iyo toban qof ayaa la sheegay inay dagaalkaas ku dhinteen in ka badan 20 kalana way ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa dhinacyada dagaallamaya waxa ay isu adeegsanayaan hub culculus, waxaana uu dagaalku bilowday markii xoogaggii magaalada qabsaday ay weerar ku qaadeen fariisin ay Alshabab ku sugnaayeen, inkastoo markii hore la sheegay in Shabaab soo rogaal celiyeen dagaalka.