Doorashada madaxtinimada dalka Nigeria

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Doorashada madaxtinimada dalka Nigeria

Malaayiin dad ah ayaa codadkooda ka dhiibtay doorashada madaxtinimada dalka Nigeria. Waxaa la sheegay in codbixintu ay si deggan u dhacday, korjoogtaduna waxay sheegayaan inay noqon karto doorashadii ugu horreysay dalka Nigeria ee lagu kalsoonaan karo muddo tobannaan sano ah. Hase ahaatee rabshado ayaa dhacay intii lagu jiray diyaargarowga doorashada kuwaas oo daraasiin dad ah ay ku dhinteen. Labo qarax oo bambaanooyin ah iyo is-rasaaseyn goos-goos ah ayaa ka dhacay magaalada woqooyi bari dalkaas ee Maiduguri. Ninka ugu weyn ee la tartamaya madaxweyne Goodluck Jonathan, ayaa waxaa uu yahay hoggaamiye hore ee milateriga dalkaas, Muhammadu Buhari.