Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

London marathon: Naafo kaa dheeraysa

Image caption dadka ka qayb galay London marathon

Orodka dheer ee marathon-ka 42-ka kilometre ee sanad walba lagu qabto magaalada London waxaa maanta ka qayb galay dad ka badan 36 kun oo qof. Dhinaca ragga waxaa kaalinta 1aad galay Emmanuel Mutai oo Kenya u dhashay oo record cusub dhigay, waxaana uu ku orday 2:04:40.

Kaalinta 2aad iyo 3aad waxaa galay Martin Lel iyo Patrick Makau oo iyaguna reer Kenya ah. Dhinaca gabdhahana, waxaa kaalinta 1aad gashay Mary Keitany oo iyaduna reer Kenya ah.

Si kastaba ha ahaatee, nin British ah oo naafo ah oo kursi ku ordaya ayaa markii 5aad ku guulaystay kaalinta naafada.

Soomaalida, waxaa orodkan dheer ee marathon-ka ka qayb galay Cabdi-fataax Dhuxulow oo ah orodyahan lug naafo ka ah. Dadka orodka ka qayb galay waxaa la filayaa inay lacag gaaraysa 80 milyan oo dollar u ururiyaan ururro samafal oo ay taageerayaan. Maxamed Maxamuud Cadde ayaa Cabdifataax Dhuxulow oo markii orodku soo dhammaaday nagu soo maray Bush House waxaa uu ka waraystay tartanka uu ka qayb galay, waxaana uu weydiiyay kaalinta uu maanta galay.