Misrata oo u baahan gargaar deg deg ah

Isbitaalada Libya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Isbitaalada Libya ayaa buuxdhaafay waxaana ku yar shaqaalaha iyo daawooyinka

Talaabooyin deg deg ah ayaa caalamka uu qaadayaa si loo caawiyo rayadka ku nool magaalada Misrata ee Libya, iyadoo ciidamada Qadaafi ay ka wadaan weerar magaalada xaalada bini'aadannimana ay aad u sii xumaanayso.

Dadka ku go'doonsan magaalada waxaa ku jira kumanyaal qof oo ajnabi ah oo ka kala yimid Bariga Dhexe, Afrika iyo koonfurta Asiya.

Xoghayaha gargaarka caalamiga ee Britain Andrew Mitchell ayaa BBC u sheegay in lacag loo diyaariyay si dadka ajnabiga loo soo qaado.

Sidoo kale waxaa loo diri doonaa dhaqaatiir magaalada Misrata.

Xoghayaha gargaarka caalamaga ee Britain Andrew Mitcheal ayaa wadahadal kula leh Qaramada Midoobay magaalada Newyork, si ay iskaga kaashadaan gargaarka la siinayo dadka reer Libya.

Qadafi ayaa ilaa hadda diidan inuu ogolaado gargaar in loo fidiyo dadka, laakiin Andrew Mitcheal ayaa aaminsan in xaalada ay is badali doonto oo Qadafii uu xukunka ka degi doono.