Dagaal ka dhacay Ceel Waaq

Image caption Ciidan dowladdu leedahay oo dagaallamaya (Sawir Hore)

Degmada Ceel waaq ee gobolka Gedo meel u dhaw ayaa waxa maanta dagaal uu ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururka al-Shabaab.

Wararku waxay intaa ku darayaan in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen dagaalka tiro kalena ay ku dhaawacantay, hase ahaatee labada dhinac ee dagaallamaya ayaa mid welba guul sheeganayaa.

Labada dhinac ayaa horey waxa ay ugu dagaallameen degmooyin kale oo ka mid ah gobolkaasi oo ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna oo iskaashanaya ay ka qabsadeen Shabaabka.

Dagaalka Ceel Waaq ayaa loo adeegsaday hubka culus ee gawaarida saaran iyo mid fududba.