Goodluck oo cambaareeyay rabshadaha

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxweynah Nigeriga Goodluck Jonathan waxaa xafiiska loo doortay maalintii Sabtida

Madaxweynaha Waddanka Nigeria, Goodluck Jonathan, ayaa sheegay in rabshadaha dhawaan ka dhacay dalka kadib guushiisi maalintii sabtida inay xusuus murugo leh u tahay xaaladaha keenay dagaalkii sokeeye ee sanadkii 1967.

Madaxweyne Jonathan, oo ah Kirishtaan ka soo jeeda koonfurta waxa uu ka guuleeystay musharixii muslimka ahaa ee dhinaca waqooyi ee muslimku u badan yahay.

Waxa uu khudbad u jeediyay dalka oo uu sheegay in wali ka soo kaban la yahay burburkii iyo dhibaatadii dagaalkii 1967, markii koonfurta bari ay isku dayeen inay abuuraan dal madax banaan Biafra.

Madaxweyne Jonathan oo khudbadiisa laga sii daayay telefishinka ayaa cambaareeyay dadka masuulka ka ahaa Rabshadaha.