Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shidaalka laga sameeyo geedaha

Image caption Jatropha oo laga dhaliyo shidaalka baabuurta ayaa dadka reer Afrika waxay ka soo horjeedaan dhulkooda dad shisheeye ay beertaan

Jatropha waa geed lagu tilmaamo inuu yahay shidaalka mustaqbalka.

Xididada geedka Jatropha ayaa laga sameeyaa shidaal loo arki jiray inuu deeganka u fiican yahay laakiin.

Laakiin warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in shidaalka laga sameeyo geedaha inay hawada ku sii daayaan gaas ka badan shidaalka caadiga ah markii la isticmaalayo.

Daraasaadkan oo lagu sameeyay Kenya, ayaa shirkado badan oo reer yurub ah ay ka iibsanayaan dhul ay ku beeraan geedaha shidaalka laga sameeyo.

Dadka reer kenya ayaa aad uga soo horjeeda arintan in dhulkii ay cuntada ku beeran lahaayeen ama degi lahaayeen lagu abuuro geedo shidaal loogu samaynayo dalalka yurub.

Wariyaha Bbcda Will Ross ayaa warbixin tan ka soo diray Nairobi