Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ahlu-Sunna oo dib u qabsaday Dhuusamarreb

Image caption Ciidammo ka tirsan Ahlu-sunna wal Jamaaca

Culimada Ahlu-Sunna wal Jamaaca oo xulafo la ah dowaldda kumeelgaarka ayaa dib ugu soo noqday magaalada Dhuusa-marreeb oo shalay ay kala wareegeen Xarakada Al Shabaab. Ahlu-sunna waxay sheegeen in dagaalyahannada Al Shabaab ay bililiqeysteen sahay ururro gargaar oo maxalli ah kahor intii aysan ka bixin magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Madaxa fulinta ee Ahlu-sunna, Maxamed Yuusuf Xeefow, ayaa BBCda uga warramay dhacdooyinka ugu dambeeyay ee magaalada Dhuusamarreeb.