Al Shabaab ayaa qabsaday Dhuusamarreeb

Ciidan al Shabaab
Image caption Ciidan al Shabaab

Dadka deggan Dhuusa-marreeb ee bartamaha Soomaaliya waxay BBCda u sheegeen in dagaalyahanno Al Shabaab oo si aad ah u hubaysan ay haatan gacanta ku hayaan magaalada kaddib markii ay halkaasi ka saareen ciidankii Ahlu-sunna wal Jamaaca. Lama garanayo inta uu la'egyahay khasaaraha halkaas ka dhacay.

Tani waa magaaladii ugu weyneyd ee dhinaca woqooyiga ay ka qabsadaan Al Shabaab oo waayahan luminayay dhul ka tirsan koonfurta fog ee Soomaaliya.

Dhuusa-marreeb waxay ahayd sidii xarunta Ahlu-sunna wal jamaaca oo kale, hase ahaatee waxaa la sheegay in si fudud lagu qabsaday magaalada.