Shabaab waa laga saaray Dhuusamarreeb

Dhimasho badan lagama soo sheegin mar shalay ay Shabaab qabsatay Dhuusamarreeb, ka dibna xalay laga saaray.

Dhusamarreeb waa xarunta gobolka Galguduud.

Waxaa gacanta ku haya malliishiyada Ahlu Sunna oo ka kooban beelaha gobolka Galguduud dega qaar badan oo ka mid ah.

Shabaab iyo ahlu Sunna waxay inta badan ku dagaallamaan Galguduud, gaar ahaanna Dhuusamarreeb iyo Warxoolo oo ah degaan u dhexeeya Guriceel, Maxaas iyo Ceel Buur.

Muddooyinkii dambe Shabaab waxaa lagu jebiyay goobo ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada Dhexe, halkaas oo looga qabsaday degaanno dhowr ah.