Koox ka socota QM oo gaartay Tripoli

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dowladda Libya waxay ku adkeysaneysaa in dhamaan dhinacyada dagaallamaya la baaro

Koox baarayaal ah oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa tagay magaalada magaalada Tripoli ee caasimadda Libya, si ay u baaraan eedeeymo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah bini'aadanimada oo dhacay intii rabshaduhu socdeen.

Dowladda Libya ayaa sheegtay inay la shaqeyn doonto Qaramada Midoobay, laakiin waxay ku adkeysatay in dhamaan dhinacyada dagaalka, oo ay ku jiraan mucaaradka iyo NATO iyaguna la baaro.

Booqashada ayaa ku soo beegantay iyadoo dagaal culus uu ka socdo magaalada hareereysan ee Misrata, oo la sheegay in weerar cusub ay ku soo qaadeen ciidamada Colonel Gaddafi, maalin kadib markii ay dukheeyeen dekedda magaalada.

Xubnaha kooxdan ka socota Qaramada Midoobay ayaa la magacaabay bishii February, si ay u baaraan eedeeymo la xiriira jirdil, dad maqan iyo qaar mudaharaadayay oo la dilay.