Garbahaarey oo ay dowladda la wareegtay

Wararka ka imaanaya Koofur Galbeed Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusuna Waljameeca ayaa maanta barqadii la wareegeen magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Dad goob joog ah ayaa BBCda u sheegay in wax dagaal ah aaney ka dhicin magaalada, iyadoo ciidamada Alshabaabna ay isaga baxeen gelinkii danbe ee xalay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha DKMG ah Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta markii ugu horeysay waxa uu booqasho ku tagay dhismihii hore ee wasaarada gaashaandhiga tan iyo markii ciidamada AMISOM ay kala wareegeen Alshabab oo halkaasi ay u aheyd fariisin ciidan.

Madaxweynaha DKMG ah ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay guula ka soo hoyeen dagaalada ay kula jiraan kooxa uu ku tilmaamay kuwo nabad diid ah.