64 ayaa ku dhintay dagaalka Garbahaarrey

Wararka ka imanaya magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo waxay sheegayaan in deegaankaasi uu maanta xasilloon yahay kaddib markii uu shalay halkaasi ka dhacay dagaal aad u ba'an oo dhexmaray Xarakada Al Shabaab iyo xoogag taageeraya dowladda ku meel gaarka iyo Ahlu-sunna wal Jamaaca.

Dagaalka labada dhinac ku dhexmaray deegaankaasi ayaa waxa wararku ay sheegayaan inay ku dhintay 64 qof.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay dhamaantood yihiin dhinacyada dagaallamayay.

Labada dhinac ee dowladda iyo al-Shabaab ayaa mid walba guul ka sheeganaya inay ka gaareen dagaalka.

Magaalada Garbahaarrey ayaa waxa toddobaadkii hore qabsaday ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna, markii ay halkaasi isaga baxeen al-Shabaab oo horey gacanta ugu heysay.