Qaraxyo ka dhacay Pakistan

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qaraxyada waxaa ku dhintay ugu yaraan 80

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay, tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen, laba qarax oo ka dhacay saldhig ciidamada militeriga lagu tababaro oo ku yaalla waqooyi galbeed ee Pakistan.

Dadka dhintay badankoodu waxa ay ahaayeen ciidamo lagu tababarayay halkaasi.

Talibanka Pakistan ayaa sheegtay inay qaadeen qaraxaasi oo ay ugu aar gudayeen dilkii Osama Bin Laden ee horaantii bishan.

120 qof ayaa lagu daweynayaa isbitaalka Peshawar, ugu yaraan afartan ka mid ah ayaa dhaawacoodu culus yahay.