Qarax Muqdisho ka dhacay

ciidan Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya

Hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay degmada Dharkenley ayaa waxa lala bartilmaameedsaday baabuur uu saarnaa Guddoomiyaha degmada Dharkenley Macalin Cabdulle Cali.

Guddoomiyaha oo BBC wareysi siiyaya qaraxa kadib ayaa sheegay inuu ka bedbaaday, laakiin uu khasaare u geystay dadkii la socday isaga iyo baabuurkiisa.

Waxaa qaraxaasi uu Guddoomiyuhu ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen al-Shabaab, laakiin ma jirto wax hadal oo ka soo baxay Xarakada al-Shabaab.

Waxa uu sheegay inay wadaa baaritaan ku saabsan qaraxa.