Heshiiska Xamas iyo Fatax

Hogaamiyayaasha Fatax iyo Xamaas Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hogaamiyayaasha Fatax iyo Xamaas oo ku heshiiyay inay sameeyaan dowlad midaysan oo ku meel gaar ah intaan lagaarin doorashada sanadka danbe

Hogaamiyayaasha labada xisbi ee falastiiniyiinta Xamas iyo Fatax ayaa ku saxiixi doona maanta magaalada Qaahira heshiis dib u heshiisiin oo dhamayn doona colaadooda afarta sano.

Heshiiska ayaa jidka u sii xaari doona in la sameeyo dowlad isbahaysi oo ku meel gaar ah intaan la qaban doorashada sanadka danbe.

Wariyaha BBCda ee Gaza ayaa sheegaya, in heshiiska uu yahay calaamada ugu horaysa in isbadalka siyaasadeed ee dalalka carabta ka socda ay badali karto colaada u dhaxeeya Israel iyo falastiinta.

Dowladda cusub ee Masar ayaa qayb wayn ka qaadatay in lagu guulaysto heshiiska lagu midaynayo labada dowladood ee fatax iyo Xamaas.