Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xamaas iyo Fatax oo saxiixay heshiis

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hogaamiyayaasha Fatax iyo Xamaas ayaa saxiixay heshiis dib u heshiisiin ah oo lagu dhisaayo dowlasd loo wada dhan yahay

Hoggaamiyaasha labada koox ee ugu weyn ee isku haya siayaasada Falastiin ee Hamas iyo Fatah ayaa saxiixay heshiis dib u heshisiin ah oo lagu dhisayo dowladd loo wada dhanyahay. Mar uu ka hadalay xaflada lagu saxiixay heshiiska oo ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta Masar, ayaa Madaxweynaha falastiniyiinta oo isla markaa ah madaxa xisbiga Fatah Mohammud Abas ayaa sheegay in Falastiniyiinta ay ka gudbeen boggii madoobaa ee khilaafka.

Furitaankii xaflada lagu saxiixay heshiiska ayaa madaxa sirdoonka ee Masar Murad Muwafi, ayaa amaanay labada dhinac waxuuna sheegay in tallaabada ay qaadeen ay muujinayso niyadooda ku aadan in ay u shaqeyaan danaha dhamaan Falastiniyiinta.

Wariyaha BBCda ee Gaza ayaa sheegaya, in heshiiska uu yahay calaamada ugu horaysa in isbadalka siyaasadeed ee dalalka carabta ka socda ay badali karto colaada u dhaxeeya Israel iyo falastiinta.

Dowladda cusub ee Masar ayaa qayb wayn ka qaadatay in lagu guulaysto heshiiska lagu midaynayo labada dowladood ee fatax iyo Xamaas