Mudaaharaad lagu taageerayo dilka Osama Bin Laden

Muqdisho Lahaanshaha sawirka other
Image caption Muqdisho

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay bartamaha caasimada Somalia ee Muqdisho, si ay ugu dabaal dagaan dhimashada Osama Bin Laden. Isu soo baxa waxa abaabulay ururada bulshada rayidka oo weydiistay dowladda ku meel gaarka inay ugu deeqdo ilaalo oo ay sugto ammaankooda.

Dadkii ka qeyb qaadanayey isu soo baxa ayaa waxay kor u ululayeen boorar ay ku sawiranyihiin wajiga osama oo istalaab la saaray kuwa kalana waxay siteen boorar ay ku qornayeen ereyadda '' Osama eber Obama hal.

Waxay dab qabadsiiyeen calanka ay leeyihiin kooxda Al-shabaab oo la aaminsanyahay inay xiriir la leedahay ururka Alqacida.

Dowladda ku meel gaarka ayaa soo saartay warbixin ay ugu digayso in ururka Al-Shabaab uu fuliyo weeraro rogaal celin ah.