Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xukunka wasiirkii hore ee Masar

Maxkamad ku taal Masar ayaa ku xukuntay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xabib Al Cadli laba iyo toban sanno iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo in lacag laga qaatay waddanka.

Waa xukunkii ugu horreeyay oo lagu soo rogo dadkii ka tirsanaa dowladii hore madaxweyne Xusni Mubaarak oo xukunka laga riday bishii Febraayo.

Mr Cadli ayaa sidoo kale loo haystaa danbiyo inuu ka danbeeyay dilkii boqolaal qof oo mudaaharaadayay waqtigii kacdoonka.

Mr Cadli ayaa beeninaya danbiyadaas.

Wariyaha BBCda ee Masar ayaa sheegaya in Xabib Al Cadli uu ahaa qofka ugu wayn ee laga baqi jiray, sababtoo ah ciidamada maanka ee Masar siday ula ladhaqmi jireen dadka.