Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaanno la xannibay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Afhayeenka Baarlamaanka Shariif shiiq Xassan

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka dhoofi lahaa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo diiday in ay ka baxaan magaalada.

Mudanayaashaas ayaa markii laga soo celiyay dayaaraddii ay raaci lahaayeen, waxay ku eedeeyeen in amarka u diidaya in ay dhoofaan uu bixiyay Wasiirka Arrimuh Gudaha iyo Ammaanka.

Xildhibaan ka mid ah mudanayaasha loo diiday in ay dhoofaan ayaa waxaa uu BBC u fasiray sida ay wax u dheceen, isaga oo ku tilmaamay in ay dowladdu ku xad gudubtay mudanayaasha Baarlamaanka.

Mudanyaasha oo aad u careysnaa ayaa midkood ku hanjabay in Wasiirka ay xilka ka xayuubin doonaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cabdishakuur Shiikh Xasan, ayaa qirtay in uu isagu bixiyay amarka muadanayaasha looga hor istaagay in ay dhoofaan.

Waxaa uu ku tilmaamay in ay sheeganayeen in ay ka tirsan yihiin Guddi aan Dastuuri ahayn oo si gooniya loo sameeystay, taas oo uu ula jeedo Guddiga Doorashada.

Khilaafka Dowladda

Xukkumadda Soomaaliya oo iyadu Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka u kordhisay min hal sano iyaduna kororsatay, ayaa waxay diiddan tahay, in doorasho la qabto bisha Agoosto oo xilligeedu ku eg yahay.

Madaxweynaha oo mar sheegay in uu doorashada ka qeyb gelayo, haddii doorasho ay dhacdo, ayaa mowqifka kororsiimada halka sano la wadaaga Xukuumadda.

Laakiin mudanayaasha Baarlamaanku waxay aqlabiyad aad u weyn ku ansixiyeen in doorasho ay dhacayso Agoosto.

Laakiin mudanayaashu waxay kororsashada muddada kala horreeyeen Xukuumadda, oo iyagu waxay ku darsadeen saddex sano.

Khilaafka maanta dhacay waxaa loo fasiran karaa in ay dowladda ka go'an tahay in ay xoog u adeegsatoin ay Baarlamaanka iska hor taagto in uu ku dhaqaaqo hawlaha doorashada uu ku dhawaaqay.

Soomaalida kale

Somaliland iyadu waxay u aragtaa arrimaha Muqdisho ka socda, qaar aan iyada khuseyn oo u gaar ah walaalahooda Soomaaliya.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug, oo kaashanaya Ahlu Sunna, waxay iyagu Nairobi kula kulmeen Guddi ka socday Baarlamaanka Soomaaliya waxayna wadajir talo ugu soo jeediyeen in xilliga Baarlamaanka lagu kordhiyo laba sano, doorashana la galo.

Beesha caalamka

Waxay u muuqataa dalalka gobolka qaar ka mid ahi in ay jecel yihiin in Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha hadda jooga xilliga loo kordhiyo.

Ma cadda sida ay dalalkaas la tahay in ay hey'adaha Federaalku u wada shaqeyn kari doonaan.

Qaar kale, waxay doonayaan in doorasho dhacdo, iyaga oo ku doodaya in heshiiskii Djibouti uu sidaa qorayo.

Awoodda kama dambeysta ah

Dhanka Gudaha awoodda kama dambeysta ah ee ku saabsan aayaha ku meel gaarka waxaa iska leh baarlamaanka.

Dariiqa keliya ee baarlamaanka awoodda looga qaadi karo, waa in la qabto shirweyne Qaran, oo maamullada Soomaaliya ka jira ay wada aqbalaan, ergooyin u soo dirsadaan, sial markaana lagu dhiso baarlamaan hor leh.

Dhanka dibadda, waxaa ugu macna roonaan doona dalalka xubnaha ka ah IGAD oo iyagu AU ka dhaadhicin doona mowqifkooda iyo kuwa ay ciidammadu ka joogaan Soomaaliya.

Waxaa kale oo iyagana codkoodu aad u weyn yahay, dalalka bixiya lacagta ku baxda ciidamka AMISOM.

Khatarta

Haddii la waayo xarfad siyaasadeed oo horseedda is af garad iyo isu tanaasul, isla markaana labada dhinac ee is haya uu midkood si dharci ah ku guuleysan waayo, waxaa dhici karta in uu burburo nidaamka ku meel gaarka ah ee soo tukubayay tan iyo shirkii Carta ee sannadkii 2000.