Britain oo safaarad ka furan doonto Soomaaliya

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain William Hague Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain William Hague

Xoghayaha arrimaha dibadda ee waddanka Britain, William Hague, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu doonayo inuu safaarad Britain dib uga furo dalka Soomaaliya sida ugu dhaqsaha badan mar allaale iyo marka ay duruufuhu saamaxaan.

Dhawaaqa xoghayaha arrimaha dibaddu waxaa uu ka tarjumayaa muhiimadda istiraatijiga ah ee Soomaaliya u leedahay xasilloonida gobolka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada iyo burcad-badeedda.

Waxaa kaloo dhawaaqani ka tarjumaysaa sida ay dalkan Britain uga go'an tahay inuu taageero horumarinta sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waddan xasilloon oo ammaan ah.