Nin Soomaali oo lagu qabtay 26 Baasaboor

Gegida diyaaradaha ee Qaahira Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gegida diyaaradaha ee Qaahira

Nin Soomaali ah oo lagu qabtay gegida dayaaradaha ee magaalada Qaahira, ayaa la sheegay in laga helay 26 Baasabboor oo Soomaali ah, oo qaarkood ay yihiin Baasaboorradda diplomaasiyiinta.

Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay Yusuf Axmed Xasan, waxaa la qabtay ka dib markii laga shakiyay in baasabboorka uu ku safrayay uu yahay mid been abuur ah.

Baasaboorradaas waxay sitaan isugeyn 19 viiso, sida uu ku soo warramay weriyaha BBC ee Qahira, Abukar Maxamed Cabdi.