Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dagaal ka dhacay Galgala

Image caption Ciidamada Puntland

Saaka ayaa weerar gaadmo ah lagu sameeyey ciidamada Punland ee ku sugan degaanka buuraleyda ah ee Galgala sida uu BBCiida u sheegey wasiirka amniga ee Puntland Yusuf Axmed Kheyr .Waxey baasuuke ku garaaceen dhowr baabuurta ciidamada sida uu wasiirku sheegey. Waxaa uu intaa ku darey in ilaa shan ciidamada ahi ay dagaalkaa ku dhinteen afar kalena ku dhaawacmeen.

Argagixisada ayaa wasiirku yiri waxa halkaa kaga dhintey ilaa labaatan iyo kopw qof. Waxaa uu sheegy iney qaab dhuumaaleysiya ku soo galeen Galgala maydkuna uu badanyahey ciidamada Puntlandna ku daba jiraan firxadkii. Waxay ku carareen ayuu yiri dhinaca buuraha.

Xaaladda ayuu sheegey iney degantahay ciidamada dowladduna hadda goobtaa ku suganyihiin.