Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shariif oo ka digay Madaxweynayaal badan

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh Adan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aden, ayaa ka digay in dalka Soomaaliya uu yeelan doono Madaxweynayaal badan haddii doorasho la qaban waayo bisha August ee sannadkan, oo uu ku eg yahay xilliga dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan, oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay Muqdisho ayaa Madaxweynaha Dowladda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ka codsaday in uu gacan ku siiyo doorashada Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyuhu wuxuu intaa ka dib u sheegay in uu ka warqabo in Madaxweynaha iyo Dowladda Djibouti ay in badan ka soo mareen nabadraadinta Soomaaliya, hawshaas oo ay weli ku hawlan yihiin.

Wuxuuna intaa ku daray in mowduuca Djibouti uu ku yimid su'aal ay weryayaashu weydiiyeen oo uu ka jawaabayay.