Booqashada Boqoradda ee Ireland

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ammaanka ayaa la xoojiyay dalka Ireland booqashada Boqoradda awgeed

Masuuliyiinta Jamhuuriyadda Ireland ayaa helay bam, saacado ka hor booqashada taariikhiga ah ee Boqorada Britian Queen Elizabeth.

Ciidamada Ireland ayaa sheegay in bamka ay ka heleen degmada Maynooth ee Kildare - halkaasi oo ah goob ay Boqoraddu booqan lahayd maalinta afraad ee socdaalkeeda.

Masuuliyiinta Ireland waxa ay qaadeen hawlgal dhinaca ammaanka oo aad u weyn.

Booqashada ayaa ah tii ugu horeysay ee Boqortooyada Britian ay ku tagto Ireland tan iyo markii ay xorriyadda ka qaadatay Britain sagaashan sano ka hor.

Weriye BBC ka tirsan oo jooga Dublin ayaa sheegaya in booqashada Boqoradda loogu tala galay inay bog cusub u furto taariikhda xiriirka muddaba xumaa ee u dhexeeyay labada dal.