Xaaska Mubaarak oo lacag u soo celinaysa dalka

Xusni mubaarak iyo xaaskiisa Suzanne Mubaarak Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Xusni Mubaarak iyo xaaskiisa Suzanne Mubaarak

Xaaska madaxweynii hore ee Masar Suzanne Mubarak ayaa la soo daayay kadib markii la xiray toddobaadkii hore.

Xaaska madaxweynihii hore Masar Xusni Mubaarak ayaa aqbashay inay dalka u soo celiso lacag kadib markii la xiray baaritaana lagu sameeyay musuqmaasuq awgeed.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in xaaska mubaarak Zuzanne Mubaarak ay ogolaatay inay celiso guri ay ku leedahay Qaahira iyo saddex milyan oo dollar oo bangiga u taalay.

Madaxweynihii hore ee Masar iyo xaaskiisa ayaa lagu eedeynayaa inay si sharci daro ah u heleen lacag soddonkii sano ee uu xukunka hayay madaxweynaha.

Waxaa lagu qiyaasayaa lacagta ay haystaan balaayiin Dollar.