Madaxa IMF oo loo wareejiyay xabsi adag

Dominique Strauss-Kahn oo jooga maxkamada Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dominique Strauss-Kahn oo jooga maxkamada

Madaxa hayadda lacagta adduunka Dominique Strauss-Kahn ayaa laga wareejiyay xabsi ku yaalla Newyork halkaasoo lagu hayay saddexdii habeen ee ugu danbeeyay.

Waxaa la geeyay xabsi ku yaala jasiirada Rikers oo ka mid ah xabsiyada ugu xun, kadib markii shalay loo diiday in damiin lagu soo daayo intaan maxkamada aysan u bilaaban.

Garsooraha ayaa sheegtay in laga baqayo inuu wadanka ka tago.

Madaxa hayadda lacagta adduunka ee IMF Dominique Strauss Kahn ayaa lagu eedaynayaa inuu xoogi rabay gabar ka shaqaysa Hotel uu joogay.

toddobo danbi ayaa loo haystaa oo midka ugu wayn uu yahay xarig ah labaatan iyo shan sano.

Madaxa IMF ayaa beeninaya danbiga loo haysto wuxuuna ku soo noqonayaa maxkamada Jimcaha.