Madaxweyne Obama oo ka hadlay Bariga Dhexe

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Madaxweyne Obama

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlayay Bariga Dhexe iyo guud ahaan wadamada Carabta.

Waxa uu ka hadlay isbeddelka aan caadiga ahayn ee ka dhacaya gobolka. Waxa uu soo hadalq aaday dilkii Osama Bin laden oo uu sheegay in xilliga dhimashadiisa dadka bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ay gacmahooda ku qaadanayeen mustaqbalkooda.

Waxa uu sheegay in istaraatiijiyada cadaadiska ku dhisan in aanay shaqeyn karin.

Waxa uu qirtay in Mareykanka ay hadda tahay inuu beddelo qaabka uu ugu dhawaanayo gobolka.

Waxa uu taageeray isbeddel siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka dhaca gobolka.

Mar uu ka hadlayay libya waxa uu sheegay in haddii Mareykanka iyo xulafadiisa talaabo qaadin in kumanaan dad ah ay dhiman lahaayeen. Waxa uu sheegay in Gaddafi wakhtigii uu ka dhamaaday.

Syria, waxa uu sheegay in Madaxweyne Bashar al Asad inuu heysto fursado - Waxa uu yiri waa inuu hogaanka u qabtaa xilli kala guur oo siyaasadeed ama uu meesha ka baxo. iyo in ciidamada Syria ay joojiyaan dadka ay tooganayaan.

Obama waxa uu la meel dhigay cadaadinta dadka Syria wax uu ugu yeeray farsamada Iran ay dadkeeda ku cadaadiso.

Madaxweyne Obama waxa uu weydiistay Bangiga adduunka iyo IMF inay soo bandhigaan qorshe shirka G8 ee toddobaadka soo socda, waxa loo baahan yahay in wax looga qabto si loo dejiyo loona casriyeey dhaqaalaha Tunisia iyo Masar.