Xukunka xasuuqii Rwanda

Augustine Biziungu Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Augustine Biziungu ayaa lagu xukumay soddon sano oo xarig ah

Maxkamada Caalamiga ee danbiyada Rwanda ayaa ku xukuntay taliyihii hore ee ciidamada Rwanda Augustin Bizimungu sodon sono oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay qaybtii uu ku lahaa xasuuqii Rwanda ee 1994.

Augustine Bizimungi ayaa ka mid ah madaxda ugu wayn ee loo xukumay xasuuqii Rwanda oo ay ku dhinteen ilaa sideed boqol oo kun oo qof.

Laba nin oo ka tirsana ciidamada Rwanda ayaa sidoo kale lagu xukunay labaatan sano midkiiba.

Maxkamada oo ka kooban garsoorayaal caalami ah ayaa go'aan ku gaaray in Augustine Bizimungu uu u talinayay ciidamada Rwanda markii uu dhacayay xasuuqii 1994tii.

Wuxuu u ekaa nin aan ka nixin markii loo sheegay in lagu xukumay soddon sano.

Augustine Biziungu ayaa lagu eedeeyay inuu ugu tagay guryaha maleeshiyooyin, uuna ku amray inay dilaan dhamaan dadka Tutsiga ah oo uu ku tilmaamay inay yihiin cayayaan.

Wuxuu u balan qaaday hub iyo batrool ay ku gubaan guryaha.

Maxkamada ayaa sidoo kale xukuntay madaxii hore ee boliiska Rwanda laakiin xabsiga ayaa laga soo daayay kadib markii uu xirnaa kow iyo toban sano.