Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dagaal ka socda Muqdisho

Lahaanshaha sawirka Ather
Image caption Ciidamada dowladda

Dagaal ayaa maalintii sadddexaad ka socda magaalada Muqdisho. Dagaalka xoogiisa wuxuu ka socdaa suuqa Bakaaraha.

Waxaa sii kululaanaya dagaallada magaalada Muqdisho ku dhexmaraya ciidammada dowladda kumeelgaarka oo ay taageerayaan ciidammada Midowga Afrika halkaas ka jooga, iyo xoogagga Al Shabaab ee ka horjeeda.

Dagaalladan oo socday dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa muuqata inay sii xoogeysanayaan, iyadoo ciidammada wada jirka ah ee taageeraya dowladda Soomaaliya ay culays weyn ku hayaan fariisimada xoogagga Al Shabaab ku xoogga badan yihiin ee agagaaraha suuqa weyn ee Bakaaraha.

Waxay dowladdu ku doodaysaa in ciidammadeedu ay la wareegeen waddada muhiimka ah ee Wadnaha loo yaqaan oo ku dhow suuqa Bakaaraha, ayna ku dhow yihiin inay gacanta ku dhigaan deegaannada suuqa u dhow oo dhan.