Dagaalka Yemen oo weli socda

Lahaanshaha sawirka REUTERSAmmar Awad
Image caption Ugu yaraan boqol qof ayaa ku dhintay Sanca toddobaadkan keliya

Hogaamiyaha qabiilka Yemen ee la adagaallamaya ciidamada dowladda ayaa ku dhawaaqay xabad joojin ka hor banaanbax weyn oo ay qaban lahaayeen magaalada Sanca.

Sheikh Sadiq al Ahmar ayaa sheegay inuu si buuxda u taageerayo banaanbaxa, laakiin uu doonayo inuu nabad ku dhaco.

Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegaya in dayaaradaha dowladdu ay duqeeyeen rag hubeysan oo qabaailka ka tirsan, oo qabsaday qeyb ka tirsan duleedka magaalada caasimadda ee Sanca.

Haddii la xaqiijiyo warkan waxa ay noqoneysaa inuu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo qabiilka ugu awoodda badan oo la saftay mucaaradka dalbanaya in Madaxweyne Ali Abdallaha Salah uu is casilo.