Ratko Mladic oo la qabtay

Image caption Ratko Mladic waxa uu ahaa hogaamiyihii militeri ee Boosniyiinta Serbiya

Waxaa socda tallaabooyin lagu doonayo in lago soo wareejiyo Hogaamiyihii militeri oo Boosniyiinta Serbiya, Ratko Mladic, maxkmadda dambiyada dagaalka ee caalamiga ah.

Hogaamiyahaasi hore ee militeriga ayaa maanta masuuliyiinta Serbiya waxa ay ku dhawaaqeen inay qabteen, waxaana uu soo hor istaagayaa maxkamad ku taalla magaalada Belgrade.

Saraakiisha ayaa sheegaya inay u badan tahay inuu racfaan ka qaato arrinta gacan u gelinta maxkamada.

Haweeneey afhayeen ah oo u hadashay maxkamadda dambiyada caalamiga ah e, Nerma Jelacic, ayaa sheegtay inay ku farxeen in la xiray ugu danbeyn General Mladic muddo 16 sano ah kadib.

Xariga General Mladic, ayaa si weyn loo soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa ammaanay Madaxweynaha Serbia Boris Tadic dadaalkiisi uu ku soo qabtay, waxaana uu u rajeeyay qoysaskii dhibaatada uu u geystay Generalka sida hadalka uu u dhigay in hadda ay niyadda u degi doonto.