Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Caruur Soomaali ah oo la la'yahay

Lahaanshaha sawirka manchester police
Image caption Ahmed Cabdikariim Abubakar

Laba caruur ah oo uu dhalay Cabdikariim Maxamed Abuubakar, oo jooga magaalada Manchester, ayaa la la'yahay muddo sanad ku dhow, waxaana loo malaynayaa in hooyadii ay dhashay ay dalka UK kala baxday.

Booliiska magaalada Manchester, ayaa hadda raadinaya labada caruurta ah oo la kala yiraahdo Khaalid Cabdikariim Abuubakar iyo Axmed Cabdikariin Abuukar.

Yuusuf Garaad Cumar ayuu uga waramay aabaha labada caruurta ah in aa waydiiyay in uu faahfaahin ka bixiyo dacwadda uu u gudbiyay booliiska?

Lahaanshaha sawirka manchester police
Image caption Khalid Cabdikariim Abukar

Cabdikariim, ayaa sheegay in caruurta ay 4 iyo 5 jir kala yihiin.

Isagoo sheegay in maadaama ay yihiin muwaadiniin British ah ay kadib markii ay iskuulka xaadiri waayeen ay Booliisku ku dhaqaaqeen baadigoobkooda.

Waxaa loo malaynayaa ayuu yiri in hooyadii dhashay ay la aaday dalka Canada, lana la'yahay ilaa bishii April.