Radko Mladic oo la xiray

Radko Mladic Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Radko Mladic

Boliiska Serbia ayaa xiray Radko Mladic oo ah taliye hore ee Serbiyiinta Bosnia oo la raadinayay lix iyo toban sanno kadib markii maxkamadda danbiyada dagaalka ay amartay in la soo xiro.

Shir jaraa'id oo uu qabtay Madaxweynaha Serbiya Boris Tadic ayaa uu ku sheegay shir jaraa'id in General Mladic la soo xiray subaxnimadii maanta, lana wado howshii loogu gudbin lahaa maxkamadda danbiyada dagaalka ee Hugue.

Warfaafinta Serbia ayaa sheegeen in diyaarad lagu qaaday Genaral Mladic ay goor dhow ka dagi doonto magaalada Hugue, halkaasoo uu hor iman doono maxkamada caalamiga ee danbiyada. dagaalka.

Genaral Radko Mladic ayaa lagu eedeynayaa xasuuq siddeed kun oo muslimiin nin iyo wiilal ah oo ka dhacay Bosnia 1995tii oo ay dileen askarta Serbia. Sidoo kale waxaa lagu eedeynayaa danbiyo laga galay dad markii ay askarta Serbiya ay qabsatay magaalo madaxda Bosnia ee Sarajevo.